Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Jini Boqor oo Sheey in ay Tahay Waqti Dhumis Laxisaabtanka Dowladda
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 03 2008
Jini Boqor oo Sheey in ay Tahay Waqti Dhumis Laxisaabtanka Dowladda
Written by Ali Moallim   
Sunday, 03 August 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)- Xildhibaanad Cabdi Cabulle Siciid (Jinni Boqor) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu waqti lumis ku tilmaamay in la yiraahdo waxaa lala xisaabtamayaa Xukuumadda Federaalka iyadoo buu yiri uu sii dhamaanayo Waqtiga jiritaanka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

"Waxaa noo harsan  wax sanad ka yar oo ah 11 bilood, marka intii waqti lagu lumin lahaa wax aan munaasib ahayn waxaan qabaa in la taageero dib u heshiisiinta ay Beesha Caalamka waddo ee la isugu keenayo dhinacyada Dowladda Federaalka  iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta"ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.

 

Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray in uu qabo in waqtiga yar ee u harsan Dowladda Federaalka xoogga la isugu geeyo sidii dib u heshiisiin buuxda loo gaari lahaa, isla markaana looga tashan lahaa waxa laga yeelayo marka uu dhamaado waqtiga Dowladda Federaalka.

 

"Afar sanadood oo ay soo jirtay Dowladda Federaalka ma jirin wax ay qabatay Dowladda Federaalka, marka waxaan qabaa in aan la lumin fursadda ay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ay Soomaaliya siinayaan oo ah in dhinacyada isku haya Soomaaliya la isu keeno, isla markaana meesha laga saaro dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya ka jira"ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo sheegay in dib u heshiisiinta socota ay taageersan yihiin Dowlado waa weyn oo Caalamka ah sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwo kale.

 

Xildhibaan Jinni Boqor waxaa uu ku cel celiyay in aan waqti kale lagu lumin wax aan jirin, wuxuuna ku baaqay in laga faa'iideysto fursadda ay Soomaaliya heysato, taasi oo uu sheegay in haddii la dayaco aaney Soomaaliya mar kale soo mari doonin.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >